20th September 2024  admin  Category :

Wasaaradda Qorsheynta oo u diyaar garoobeysa Diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa maanta shir gudoomiyay shirka bilaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiru- Dowlaha, Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle, Agaasimaha Guud, Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasime Waaxeedyadda, La-taliyayaal Sare iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda.

Qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ah: Diyaar garowga Wasaaradda ee ku saabsan diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta Kadib (Post HIPC Plan) iyo dardargelinta dib u eegista xiliga dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay diyaar garowga ku aadan shirka lagu soo bandhigaayo warbixin-sanadeedka horumarinta,mashaariicda dalka iyo qabashada shirka xaalka waara ee heer qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*