20th September 2024  admin  Category :

QURBA JOOG IYO QARAN DUMAY MAXAA KALA HEESTA

Qabqable dagaal ayaa muda dheer ku ahaa umada Soomaaliyeed carqalad oo gudo iyo dibadba khaatiyan laga istaagay. Maxaase kadanbeeyay?

  Quraan n kuqaraabte qabiil huwan ayaa iyana dadkii kaga yaabsaday oo illaa iyo hadeer qasaya oo qudha ka jaraya, qaxiyay oo xeryo qaxooti udiray shacabkii, qasbay oo caanshuur iyo sadaqo aan sal iyo raad toona laheen ka qaadaya. Quraankii qaloociyay oo qiil u sameenaya qorshaha fog ay wataan. Khiyaamay dhalinyaradii oo u sheegay in hadii ay shahiidaan ay ka qadeenayaan janadii laguna casuumayo qureeshtii haween. Waase yaabe ma illahay bay balan ka heestaan.

 Waxaa taa kadaran oo dhibaatada qayb laxaad leh ku soo siyaadiyay qurba joog u soo shaqa tagatay shacabka hooyooyinka, caruurta, iyo waayeelka ay dhibaatada dubatay oo ay macluul, gaajo iyo shaqa la,aanta ay baanteen.

 Qurba joogta waxa ay wataan passapooro kala duwan, qaar ayaa waxay wataan shan. Waxa ayna isugu jiraan noocyo badan, qaar wax bartay, qaar xamaalata ahaa iyo qaar fadhi kudirirka ka soo aflaxay. Ujeedadooda ugu wayn waa in ay lacagta caalamka laga soo baryay ee shacabka dhibaatoonaya loogu talagalay in jeebka lagu soo shubto.

Dhagahooda iyo indhahooda waxaa kaliya ee qanciyaa waa lacag xaaraan ah.

    Ka dibna waxaa laga iibsanayaa guri qurux badan waddamada qurbaha, waxa ay xaasaskooda iyo caruurtooda ay illaahay ugu xamdiyayaan guriga, gaariga, xoogaaga lacagta ah ee laga soodhacay wadankii. Xallaal illaahay loogu shugriyo ayaa la,arki jiray laakiin xaaraan illaahay loogu shugriyo waa arrin nagu  cusub.       

Qurbajoogtu waxa uu illaahay siiyay fursad ay ku tagaan wadan nabad ah, dabadeedna waxa ay helleen fursado qaali ah oo naftooda iyo wadankooda ay uga faa’iideen karaan, laakiin taas madhicin; Badalkeedii, waxaa lagala soo noqday dhaqan aan wannaagsanayn.

Miyaysan kafakirin in wadamadan ay guryaha ka iibinayaan in rag ay usoo halgameen dhisitaankiisa oo ay kadhigeen meel dad badan oo aduunka katirsan ay  u soo shaqatagaan. Miyaysan ogeen in wadamadan lagu dhisay lacagta caanshuurta ah ee bixiyaan dadka shacabka ah. Miyaysan ogayn in wadooyinka waawayn, beeraha lagu nasto ee quruxda badan, horumarka waxabarasho ee bulsho, daryeelka caafimaad iyo arrimo kale oo farabadan in lacagta lagu sameeyay aan laga soo gurin geedaha ee ay tahay dad waxoodii maamushay.

Miyaysan ogayn in hadii qofwalba oo mas,uul laga dhigaa hadii uu jeebka kushuban lahaa oo wadan kale uu guri ugu gadan lahaa iyo ganagsiyo in aan wadamada maanta sidaan ah aysan jireen oo sidan aysan ahaadeen.

 Waxaa maqlaysaa war hebel miyaanad usocon dowlada ladhisayo. Hebel waad argtay meeshii waa ka xooleestay ee meeshaas baan is leeyahay baa inoogu dhow lacag isku xiran meel laga helayo, ee waxa illa haboonaan laheed in aanu fadhiga ka kacno.

Sheeko ayaa waxay dhex martay Dhigeesane iyo Duqeesane:

Dhigeesane: miyaysan habooneen in aan madaxwayne isku sharxo?

Duqeesane:  aad isku sharaxdid maxuma ee miyaad haysataa shahaada sare oo jaamacadeed.

Dhigeesane: Sheekh Shariif iyo Shariif Sakiin iyo waliba baarlamaankan bartay mooshin, farta kor halloo taago iyo hoos halloo dhigaba ma heestaan wax shahaada ah marka ma iyadaa muhiim ah waqtigan.

Duqeesane: taa waxaa nooga fudud in aanu maamul gobolleed uga dhawaaqno xaafada Madiina.

Dhigeesane: war ninyahow maskaxda ayaan kugu jeclahay, Madiina waaba xaafad wayn xitaa tuuladeenii baan u sameeneenaa maamul goboleed,waa qidadaha cusub oo ay ku qaraabanayaan qurba joogta.

Waa yaab! Qurba joog iyo qaran dumay maxaa kala heesta.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*