29th November 2024 admin Category :
Madaxweyne adiga iyo dalka Maraykanka yaan la idiin dhaxayn?
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajo, oo isagu haysta dhalashada dalka Maraykanka, in badana ku noolaa dalkaas uma baahna in Isaga iyo labadiisa dal loo kala dilaalao ama wakiil looga noqdo.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Wilson Reagan iyo madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid cali Sharmaarke iyo madaxweynhii hore ee Maraykanka John Fitzgerald “Jack” Kennedy
Mar haddii doorashaddii uu ku guulaystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aad looga soo dhoweyey dalka Maraykan oo wargaysyada dalkaas ka soo baxa cinwaan looga dhigay ” Nin inaga mid ah ayaa ku guulaystay dorashaddii xorta ahayd ee ka dhacday dalka Soomaaliya .
Sidaas awgeed, Ma jirto sabab madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dawladda Maraykanka loo kala dilaalo. haddi ay ahaan lahaayeen dilaaliyeen Soomaaliyeed, Shakhsiyaad ajaabiib ah oo dano gaar ah leh, sheegtana inay ku takhasuseen arimaha Soomaaliya iyaga oo dano gaar ah leh, wadamada deriska aynu nahay sida Itoobiya Jabuuti iyo Kenya, wadamada Khaliijka iyo Turkiga.
Ugu danbayntii Soomaaliya halka ay maanta taalo waxa dhigay waa Dilaaliyiin Soomaaliyeed oo la shaqaysta dawlado shisheeye, oo aan doonayn Soomaaliya oo lugaheeda ku istaagto , had iyo jeerna Soomaaliya ka bixin jiray sawir khaldan oo been ah. Hadaba si taa looga baxo madaxweynaah Cusub isaga oo ka faaiidaysanaya khibradiisa, waa inuu fariinta dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed doonayaan uu gaarsiiyo New york oo ah gobolkiisii, ahna meesha ay ku taalo xarunta Qaramada midoobey iyo magaalada Washington oo aan ka fogayn oo ah xarunta Arimaha dalka Maraykanka Madaxweyne Dantaada iyo dalka Soomaaliya maanta meesha ay ku jirto waa taqaan.
https://allsanaag.com/madaxweyne-farmaajo-iyo-safarkiisa-ugu-horeeya/
ALLSANAAG.COM