18th October 2024  admin  Category :

Kaligii taliyaha Jabuuti Gormuu ka daalayaa kala qaybinta Soomaaliya

Dhowaan ayeey ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatey danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo siihayaha xilka safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane, kulanka ayaa looga hadley sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wada hadalkii Dowlada federaalka iyo cidda loogu Somaliland .

Maalmo ka dib waftigan la kulmay Madaxweyne Culusoow , ayaa u dhoofay magaalada Hargaysa oa ay halkaa kula kulmeen beesha Isaaq.

Siyaasiyiinta beesha Isaaq ayaa dhowr qodob ku xiray wada hadal ay galaan dawladda Federaalka, waxaana ka mid ah qodobadaa”

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood

Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.

Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.

Intii ay Wada hadaladani Hargaysa ka socdeen ayaa waxa magaaladaas dul maray dhowr diyaaradood oo Qandaraas ah oo ka soo kacay Muqdisho kuna sii jeeda Jabuuti, ayna la socdaan garabka xag jirka ah ee ururka Irirsamaale, si ay uga qayb galaan shirkii sanadlahaa ahaa ee Gudoomiyahoodu ugu qaban jiray Januuti

Wadahadaladdii Muqdisho, Hargaysa iyo shirkii Heritage ee Irirsamaale oo laysu habar wacday ayaa waxa ku xigay Indho sarcaad kale oo la sheegay in Gabadh uu dhalay Kaligii taliyaha Jabuuti oo Hooyo ah in Mdaxweynaha Soomaaliyana Xasan Sheekh doonayo, Muuse Biixinay oo Abtigeed ahna Bixina, marka intaasi dhacdona loo doortay in Adna Aadan ka mashxarado Madashaas

Sheekaddu Gabar Ciise ah oo Abgaal iyo Habar Awal is waydiisanayaan waa ka weyn tahay oo ujeedada laga leeyahay waxay tahay in Biixi iyo Culusoow ay is hor fariistaan oo ka faaiidaystaan Madasha ay maanta ururka Irirsamaali ku sugan yihiin ee Jabuuti.

Intii Wada hadaladan beesha Isaaq ay Shukaanta u hayaan socdeen , waxa haba yaraatee aan saamayn lahayn, meelna lagu casumin, u muuqata in laga maarmay waa beesha Daarood oo ay madax u yihiin Xamze iyo Deni.

Sida muuqata waxa guulaystay beesha Isaaq iyo Rayiddii Cabdirxmaan Tuur iyo Caydiid ee 1991 Dabargoynta beesha Daarood ay la donayeen. Waxaana ka mid ahaa

I ” Waxay ahayd Hawiyoow idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas ku qaadataan madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.

Ugu danbayntii Waxa mudan in la canbaareeyo Turkiga oo Diyaarado ku duqaynaya Kurdiyiinta oo aan lahayn Beelo Turkiga ka mid ah ayaan la go’aynaa inuu falaagada dhiigyo cabka ah SNM Gacan siiyo, si ay soomaali u kala gooyaan

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*