13th October 2024 admin Category :
Waa kuma ninka ay dowladda Indonesia sii deysay ee cabsida iyo carada ka muujiyeen Australia?
Ka dib labadii qarax ee 2002-dii ka dhacay laba kalaab oo ku yaal magaalada Bali, dadkii ka badbaaday qaar ayaa sheegay inay la kulmeen “cimri xarig”.
“Noloshaydu way is badashay gebi ahaanba,” ayuu BBC u sheegay Andrew Csabi.
Arbacadii waxaa xabsiga Indonesia laga sii daayey ninkii sameeyay bamkii laayey qaar ka mid ah saaxiibbada Csabi isagana ka dhigay naafada.
Dawladda indonesia waxay sheegtay in Umar Patek la dhaqan celiyey, balse sii dayntiisa ayaa kicisay cadho, khaasatan Australia oo 88 ka mid ah dhibanayaasha ay kasoo jeedeen.
Dad gaaraya 202 oo kasoo kala jeeday 21 wadan ayaa ku geeriyooday qaraxaas 12-kii bishii Oktoobar ee sanadkaas dhacay. Wuxuu wali yahay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Indonesia.
Umar Patek Waxaa lagu eedeeyay inuu qaraxyo u samayn jiray Jemaah Islamiah (JI) oo ah urur xiriir la leh Al-Qaacida – baxsad ayuuna ku jiray ku dhawaad toban sano.
2012-kii ayaa lagu xukumay 20 sano. Taasoo ka dhigan in muddadii lagu xukkumay uu nus oo kali ah ka qaatay.
Masuuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in aanu hadda halis ahayn uuna u qalmo sii dayn ka dib markii dhowr jeer la dhimay muddada xabsigiisa dhaqan wanaag awgii.
Jan Laczynski, oo u dhashay Australia oo ku waayey Qaraxaas shan saaxiibbadiisa ahaa ayaa sheegay inuu kamid yahay dadka amakaagga iyo xanaaqa ay ku dhalisey sii dayntiisu.
“Ninkan noloshiisa ayuu dib u helay. Halka annagu aannaan dib dambe u helayn noloshayadii,” ayuu BBC-da ku yiri Khamiistii.
“Waa naxdin. Waa argagax. waana khalad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Wuxuu ku tilmaamay “dhabar jebin kale” ka dib sii dayntii sanadkii aan soo dhaafnay ee Abu Bakar Ba’asyir oo lagu eedeeyay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay qaraxyada balse loo xiray dambi aan la xiriirin qaraxyadaas.
Csabi, oo asna u dhashay Australia ayaa sheegya in go’aankani uu abuuray cabsi. “Waxaad jeceshay inaad amni dareento – dhamaanteen waan rabnaa – hadana amni uma dareemayo sidaan horay u dareemayay.
“Hadii ay weli qabaan fikirro nacayb ah, waxaa jira suurta galnimo aad u weyn o ah inay maleegaan qarax kale”.
Dad yar oo badbaadayaashii ka mid ah ayaa aaminsan inuu Patek is badalay, ayuu yiri Laczynski.
” Xabsigaan ku arakay, Si dhowbaan u arkay – muusan iila muuqanin qof is fikir badalay… kuma qancin gabi ahaanba”.
Dawladda Australia ayaa ka ol’olaysay sii daynta Patek waxayna sheegtay inay dawladda Indonesia ku cadaadin doonto balan qaadka in si joogta ah loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.
Australian-ku “xaq walba ayey u leeyihiin inay niyad jab muujiyaan kana walaacaan warkan”, ayuu yiri wasiir Chris Bowen khamiistii.
Waxay Csabi iyo Laczynski labaduba sheegeen inay siidaynta Patek xanuun gaar ah leedahay. Waa todobaadyo uun kadib labaatansano guuradii kasoo wareegtay qaraxa iyo maalmo uun ka hor ciidda masiixiyiiinta.
Patek waxaa laga rabaa inuu ku biiro “barnaamijka hagidda” ilaa bisha 4-aad 2030-ka hadii wax xadgudub ah lagu helana waa lagala moqonayaa sii daynta, eray uu sheegay wasiirka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Indonesia.