23rd October 2024  admin  Category :

Puntland  oo olole daryeel caafimaad u samaysay dadkii abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sanaag.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa olole daryeel caafimaad u samaysay dadkii abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sanaag.
Kooxo Daryeelayaal caafimaad oo ku wareegaya dhamaan meelaha dadkii xooluhu ka dhamaadeen lagu ururiyey ayaa shaqo ka bilaabay gobolka Sanaag.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sanaag Drs. Amaal Ibraahim Ismaaciil ayaa sheegtay in wasaaradu ka jawaabayso xog ururin dhowaan laga sameeyey xanuunada ku dhacay dadkii xooluhu ka dhamaadeen ee goobaha lagu ururiyey, shaqadan daryeelka caafimaad ahina way socon doontaa ilaa inta laga wada gaadhayo meelaha dadkaasi joogaan .
Bulshadii daaweynta bilaashka loo sameeyey ayaa ka mahad celiyey gargaarka loo sameeyey .
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Hon. Maxamuud Ciyoon ayaa dhankiisa sheegay in si weyn loogu baahnaa gargaarkan caafimaad , wuxuna uga mahad celiyey sida Wasaarada Caafimaadku u ajiibtey codsi qoraal ah oo uu u gudbiyey.
Gobolka Sanaag ayaa ah gobolka ugu daran ee abaartu saamaysay , waxana dawlad iyo dadweyneba lagu dadaalayaa sidii dadkaas loo taakulayn lahaa cunno., cabid iyo caafimaad ba .

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: one or more people, people sitting and child

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Image may contain: one or more people, people sitting, child and outdoor

Image may contain: one or more people

Image may contain: one or more people, mountain, sky, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and nature

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: one or more people

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*