25th October 2024  admin  Category :

Nabadda dalka Soomaaliya waxaa caqabad weeyn ku ah waqtigan ururka argagixisada ee Shabaab.  In ciidamo shisheeye ay yimaadaan dalka Soomaaliyana, waa mid sababteeda ay leeyihiin argagixisada u shaqeeysa cadawga Soomaaliyeed.

Argagixisadan ayaa waxeey dilleen kumaanaan kun oo qof oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, waxeeyna ka dhigeen qaar kalle oo badan kuwo laxaadkooda beelay qaraxyada ay ummada ku weerareen darteed, waxaana intaas dheer buruburinta hantida shacabka ay geeysteen oo gaareeysa mallaayiin doollaar.

Hadaba, cadawga ummada Soomaaliyeed ee Shabaabka oo meesha laga saaraa waxeey meesha ka saareeysaa sii joogitaanka ciidamada AMISOM iyo kuwa kalle ee ajnabi. Sidaa darteed madaxweeynaha, ra’iisal wasaaraha iman doona, baarlamaanka, iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ay tahay hoosha ugu horeeysa ee hortaal ‘ISBEDDEL DOONKA CUSUB’ sidii cadawga Soomaaliyeed ee Shabaabaabka looga sifeen lahaa dalka Soomaaliya oo dhan.

Maalmahan oo ay socdaan soo dhaweenta madaxweeynaha cusub ayaa ururka argagixisada ee Shabaab waxeey billaabeen ineey kor u qaadaan dillalka iyo weerarada ay u geeysanaan shacabka Soomaliyeed, iyagoona og in insha allaah dalka laga sifeen doono dhawaan.

Ugu danbeeyntii, haddii Shabaab dalka laga xoreeyo, ciidamada AMISOMna waa kuwo ka baxaya dalka Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeedna waxeey noqon doontaa haddii illaahay idmo kuwo qabyaalada meel iska dhigga, saarana cagta wadada horumarka iyo barwaaqada.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*