16th April 2024  admin  Category :

Shirkan Jaraai’d Dawladee qabatay ma tii hore mise midda Cusub.

Labaddii madaxweyne ee ugu danbeeyey ee Soo maray Soomaaliya, oo kala ahaa Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, labaduba  xiriir iyo wada shaqayn fiican  ayeey la lahaayeen maamulka Hargaysa. Mana jirin meel ay ku canbaareeyeen fal kasta oo ay maamulkaasi sameeyaan. Heshiisyaddii ay wada da galeena waxa ka mid ahaa inaanay warbaahinta hadalo guracan isu marin.

2- labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah:
A)-In laga dhawraso wixii wada hadalada carqalad gelin kara.
B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo.
C)-In la fuliyo heshiiskii hawadda iyadoo farsamo lagu salaynayo

Image result for sHEEKH SHARIIF SIILAANYO

Hadaba Shirkan Jaraa’id ee hoose haddu ku yimid amarka  madaxweynaha Cusub ee Soomaalioya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo aan weli dooran Ra’isawasaare iyo gole wasiiro, waa fashil hor leh iyo afar sano oo la soo nooleeyo cuqdad horay u jirtay.

Ugu danbayntii haddi maamulka Hargaysa iyo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ka soo jawaabaan shirkan jaraa’id ee lagu deg degay. Yaa jawaabta bixinaya ma madaxweynaha aan Ra;isawasaare iyo wasiiro arimo dibadeed iyo warfaafin lahayn ayaa isugu Warbaahinta tegaya oo jawaabaya mise dawladdi hore ee Xasan Culusoow  oo markii horeba wax ka ogayd heshiiskan ayaa afhayeen u noqonaysa madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Hoos ka daawo Hanti dhowrka guud ee dawladdii xasan Culusoow  Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo inta badan hadalkiisu ku socdo dhalinyarada Facebood

ALLSANAAG.COM

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*