29th March 2024  admin  Category :

Markab Sun wada oo Dagmada Jariiban wali taagan.

Deegaanada xeebta ee Soomaaliya, waxaa ay dhamaaantood la il daran yihiin Dhibaato ka haysatta xagga caafimaadka, taas oo dadka xeebta ku dhaqan ay u aanaynayaan, badda oo ay ka buuxaan Sun aan la aqoon cidda ku shubtay.

Dagmada Jariiban oo kamid ah Dagmooyinka Facaweyn lehna xeeb dheer, waxaa ay kasoo kabatay Dhibaatooyinkii Burcad badeeda, waxaa ay haatan la daalaa dhacay dhibaatooyin ay deegaanka u gaysteen oo ay ka mid tahay, xaaluf, qaxa Ugaarta iyo Maraakiib wali xeebta taal.

Marsada yar ee laga Kaluumaysto ee Ilfoocshe, waxaa haatan Yaal Markab, waxbadan ayaa lagu haystay xeebtaas, kadib shaqaalihii waa laga bad baadiyey, qolofkiina meeshii ayaa Looga tagay, Waana uu daxalaystay oo in uu Goo go’o kaliyaa u hartay.

Markabka Maxaa saaran.

Markabkaa waxaa uu waday haamo aan la aqoon ilaa hadda wax ku jiray, sida lagu cadeeyey xog hoose markabkaas waxaa uu waday 80haamood oo ah kuwa lagu xiro sunta, wasaqdaa ee kasoo harta Warshadaha iyo Gantaalaha.

Haamaha markabka saaran oo cusub 2011

Haamaha markabka saaran oo cusub 2011

Haamihii uu markaani waday waxaa loo qaybiyey labo, 40kamid ah waxaa lasoo dhigay badda xiligii uu badweynta marayey, qaybtii labaad waxaa lasoo saaray shaqaale cusub oo Yemen kasoo raacay, waxaana ay bilaabeen in ay badda dhigaan Haamaha intii hartay, 2 kamid ah markii ay dhigeen, waxaa gacanta kusoo dhigay Burcad badeedii Soomaalida 2011kii, waxaana aay keeneen xeebta Dagmada Jariiba ee Garacad, gaar ahaa Marsada Ilfoocshe.

Mid kamid ah Haamaha oo ay muuqato Calaamaddeeda khatarta 2011

Mid kamid ah Haamaha oo ay muuqato Calaamaddeeda khatarta 2011

Haan kamid ah haamaha markabka Saaran, sawirku waa March, 2011

Haan kamid ah haamaha markabka Saaran, sawirku waa March, 2011

 

Shaqaalihii Halkee aaday?

Shaqaalihii ka shaqaynayey waxaa ay ahaayeen Yemeniyiin, waxaase weheliyey Halnin oo U dhashay dalka Isra’il sheegtayna Dhalasho kale, mudadii dheerayd ee meesha lagu hayey waxaa ka geeriyooday Injineerkii guud oo xanuun iyo Nolol xumo eersaday, Shaqaalihii kale waxaa ku dhacay Xanuuno u badan kuwa maqaarka gala, Halmid maahane inta Kale waxaa ay ahaayeen Muslimiin.

Muddo dheer ka dib waxaa shaqaalahaas lagu soobadbaadiyey hawlgal ay qaadeen Ciidanka Badda Puntland ee PMPMF, oo toos u weeraray markabkaas iyaga oo galay dagaal maalmo badan qaatay, ugu danbantii waxaa kala dhex galay Odayaal, kuwaas oo xaaladdii ku dhameeyey in Shaqalahaas lasiidaayo, Dagaalkuna uusan waji kale yeelan.

Shaqaalihii ayaa lasoo bad baadiyey, waxaana xaflad loogu sameeyey Madaxtooyada Puntland iyada oo ugu danbayntii loo wareejiyey dalkoodii Yemen, kuwii aan u dhalana dadlkoodii ayey kasii aadeen.

Markabkii?
Markabkaan waxaa lagu magacaabaa ISPEC ONE, waxaana mulkiyada markabka lahayd International Power Project ee Dalka Igland, waxaa ay burcaddu markabkaan soo afduubtay 29, September 2009, waxaana laga soo qabtay badweynta Hindiya meel aan ka fogayn biyaha Soomaali, waxaana xeebaha lagu haysatay ugu yaraan 4sanadood.

Markabkii iyo wixii saarnaa waxaa looga tagay xeebta Garacad marsada Ilfoocsha, halkaas ayuu haatan kusii dhimanaya, mana jirto cid danbe oo isa waydiisay.

Haamihii Markabka saarna oo Daxalaystay, Sawirku waa Nocember,2016.

Haamihii Markabka saarna oo Daxalaystay, Sawirku waa Nocember,2016.

Dowladda Puntland ee xiligaa iyo Tan hadda.

Maamulka ka taliya dhulkaan ee Puntland ilaa hadda mauusan ka war bixin markabkaas, cidda leh, waxa uu sido iyo meesha loosido, ma jirto cid baartay sababta Markabkaan looga bixin waayey lacagtii iyo sababta loosoodoonanwayey, Dowladdii Puntland ee Hawlgalkaas Fulisay, ma ay garanayso Markabkaas Dalka uu ka diiwaan Gashan yahay iyo Shirkadda leh midna.

Xogaha hoose ee Markabka.

Xog hoose laaga lahelay Markabkaan ayaa waxaa lagu ogaaday in uu ahaa Suuqa madoow, oo aysan jirin meel uu ka diiwaan gashanaa, shaqaalaha Saaran Markabka 3jeer ayaa lasoo badalay, Shirkaddii ay shaqaaluhu sheegeen in ay leedahay markabka ee International Power Project oo ka dhisan Dalka ingiriiska, waxaana ay shaqaaluhu sheegeen in uu waday Gaas dabiici ah iyo dareerayaasha Matooradu isticmaalaan.

Sida ay sheegeen dadbadan oo ka mid ah dadka u dhuundaloola arimahaan oo kale, Markabkaas in aan meesha laga qaadin ayaa noqday qorshaha ugu fiican ee shirkaddii lahayd markabka, waxaana ay lacag kusiiyeen, qaar ka mid ah Madaxda Puntland ee ee sanadkii 2013, shaqaalaha soofurato wax danbana aan la iska waydiin.

Puntlandes

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*