25th October 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye iyo Mustafe Cagjar labaduba ma yaqaaniin waxay ka hadlayaan

Dhamaan siyaaiyiinta beesha Hawiye ayaa qaar canbaareeyeen qaarna duulaan beeshooda lagu soo qaaday u qaateen hadal uu sheegay madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Cagjar, oo dhowaan dadkiisa iyo degaankiisa lagu soo duulay ee ahaa ” Inay Soomaaliya dhexdeeda ka samaysanayaan aag ay iskaga difaacaan argagixisada iyo kuwa taageera.

Siyaasiyiinta Beesha Hawiye, oo aad uga carooday hadalka Mustafe Cagjar waa kuwa maalin iyo habeen dhagaysanaya xad beeneedka Somaliland ka sheegato Soomaaliya dhexdeeda, waa kuwa qaarkood ugu yeera maamulka Somaliland inu yahay dal ka madax banaan Soomaali inteeda kale, waa kuwa hadalka Mustafe Cagjar yidhi haddii uu oran lahaa Siyaasi ka soo jeeda beesha Isaaq aan haba yaraatee aan la arkeen cid u jawaabta , waa kuwa caruurtooda sida Bulshaawi iyo Miss World inta Hargaysa lagu xiray oo laga soo musaafuriyey ka xishooday inay ka hadlaan, iyaga oo ka baqaya jawaabta Faysal Waraabe iyo Adna Aadan, iyaga u haysta in maamulka Somaliland yahay dal ka madax banaan Soomaali inteeda kale oo la mid ah Sacuudi careebiya

Maanta inay ka qayliyaan hadalka Mustafe Cagjar waa cuqdad beeleed iyo Munaafaqnimada ay dhigeen Soomaaliya halka ay maanta joogto. Siyaad Bare, Cabdulaahi Yuusuf iyo Farmaajo ayaa sidan oo kale horay uga qayliyeen iyaga oo magaca ” Soomaalinimo” ku gabanaya, markii ay ku awkacsadeen ” Soomaalinimadiina , mar walba waa la ogaa falkoodii 1991, 2006 iyo 2021.

Maxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, wax badan ma dhaamo siyaasiyiinta Hawiye ee diidan hadalkiisa, sababtoo ah wuxuu xiriir fiican la leeyahay maamulka Somaliland ee taageera ururka alshabaab, Sidaas awgeed inta uuna Soomaaliya aag uu iska difaaco ka samaysan waa inuu marka hore xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed uu la leeyahay jabhadda SNMuu u jaraa, jabhadaas oo la mid ah ama ka daran ururka Tigreega ah ee dawlkaddisa Itooobiya dagaalka kula jirto.

Ugu danbayntii Mutafe Cagjar, ciddi kaa yeeli mayso Soomaali ayaan gudaha u soo gelayaa, Somalilandna waxaan ula dhaqmayaa siddii dal ka madax banaan Soomaali inteeda kale, taas waa fara gelin, waxaadna xoojinaysaa dooda siyaasiyiinta Muqdisho ee u arka inaad beeshooda ku soo duushay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*