24th November 2024 admin Category :
Waxay noqotay gabadhi ugu horreysay oo dhakhtar ka noqoto qoys seddex jiil qaxooti soo ahaa
“Gabdha badan oo bulshadayada ka tirsan waxaa dhiirragelisay guusheyda. Ilmaha yaryar marka ay yimaaddaan goobteyda shaqada waxay yirahdaan waxaan dooneynaa inaa kuugu dayanno dhakhtarna aan noqonno,” ayey tiri Dr Saliima Raxmaan.
Saliima waxay asal ahaan ka soo jeedda dalka Afghanistaan waxayna ku dhalatay xera qoxooti oo ku yaalla dalka Pakistan. Waxayna halgan iyo dadaal dheeraad ahba ay u gashay sidi ay ugu biiri lahayd kulliyadda keli ah ee caafimaadka lagu barto ee xeradaasi ku yaalla si ay u noqoto dhakhtaraddi ugu horreysay oo bulshada ama qowmiyadda Turkmen ka soo jeedo.
Sida oo kale 2012-ki waxay ku guuleysatay abaalmarinta qaaradda Asiya ee ay UNCR bixis
Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay oo ay ugu tala gashay maalinta qaxootiga adduunka oo ku beegan 20 June waxaa lagu sheegay dadka la midka ah Saliima oo guriyahooda ka soo barakacay iney 100 malyan kor u dhaafeen. 10% dadkaasina ay yihiin dad ku barakacay dagaalka Ukraine.
Dabayqaadi 2021-kii dad ka badan 27 malyan oo qaxooti ah ayaa dalal kala duwan gaaray.
Dadka Saliima la midka ah, qaxootigaasi intooda badan waxaa marti geliyey waddamada soo koraya. Dalal uu ka mid yahay Pakistan weli ma saxiixin heshiisyada caalamiga ah ee qaxootiga.
Dad seddex jiil qaxooti ah
“Anigu waxaan ka mid ahay dadka seddex jil qaxooti soo ahaa…waxaa soo marnay caqabado aad u badan, ayey tiri dhakhtaradda 29 jirka ah.
Saliima awoowgeed labaad wuxuu ka soo cararay dagaal sokeeye oo ka dhacay Turkmenistan muddo hadda laga joogo hal qarni wuxuuna degay gobolka Jowzjan ee dalka Afghanistaan.
Kaddib marki ay Midowgii Sofiyeeti 1979-kii qabsadeen dalka Afghanistaan wuxuu u qaxay dalka Pakistan, waxayna ku kulmen iskuna guursadeen qoyska Saliima xerada qaxootiga Sawabi oo ku yaalla gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Xeradaasi oo aan eheen mid leh adeegyada aasaasiga sida biyaha, korontada iyo daryeel caafimaad midna.
“Sida ay ii sheegtay haweeney umulisa ah anigu marki aan dhalanayey hooyadey waxaa loo sheegay inaan calooshaeeda ku gudbanaya oo si sax aan u fadhin, dhakhtarki arrintaa wax looga qaban lahaa oo noo jira 70km lacag hooyadey lagu geeyo aabbahey ma heysan oo wey iska joogtay.”
“Qoyskeyga waxay la soo kulmeen dhibaatooyin maskaxeed iyo mid jireed. Waxayna go’aansadeen ilmaha ay dhalan iney dhakhtar ka dhigaan.”
Aniga waan ka duwanahay
Aabbaheed isaga oo ay da’diisu yar tahay ayuu agoon noqday sidaa ayuuna waxbarashada. BAlse wuxuu ku soo fara adeegay sidi uu Saliima waxbarashada uga taageri lahaa.
Sida la wada ogsoon yahay bulshada Turkmen ee ay Saliima ka soo jeedda waxay caan ku yihiin sameynta roogagga. Gabdhaha intooda badanna waxbarasho looma diro oo shaqooyin ayey qabtaan xataa wiilasha laftooda waxbarashada waa laga joojiyaa.
Saliima da’deedu 3 jir marki ay gaartay ayey waaliddiinteeda xeradi qaxootiga ka baxeen oo ay guri ka kireysteen magaalada Attock oo Islamabad u jirta 80km. Waxbarashadana waxay ka sii wadatay dugsi deegaankaasi ku yaallay.
“Markaa ayaan ogaaday inaan haysto fursad la mid ah kuwa ay haystaan ardayda kale. Maadaamaa noolashi qaxootinimo ee aan soo maray ay ahayd mid aad u adag.”
Fursado dhawr ah
Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga e UNHCR waxay sheegtay 5 qof oo qaxooti ah 2 ka mid ah iney carruur yihiin.
Warbixin 2018-ki ay hay’adaha qaramada midoobay si wada jir ah u soo saareen waxay ku sheegeen kala bar
Inaan Dhakhtar noqdo
Saliima tani iyo yaraanteedi haweenka qaxootiga ayey u raaci jirtay Isbitaallada iyo Xaruumaha kale ee caafimaadka si ay uga tarjumto afka Urdu ee ay ku hadlaan.
Xirfadlayaasha ay la kulantana waxay ugu yeeri jireen Dr Saliimaa maadaamaa ay tahay gabar caafimaadka si weyn ugu xiran.
Magaca looga yeeri jiray carruurnimadeedi ayey ugu dambeynti nasiib u yeelatay in looga yeero maadaamaa ay cagta saartay waddadi ay dhakhtar ku noqon lahayd.
“Marki ay i qaadatay kulliyadda caafimaadka aad ayaan u farxay. Waxaanna garwaqsaday inan cagta saaray waddadi aan riyadeyda iyo riyada waalidkeygaba ku rumeyn lahaa,” ayey tiri
2014-kii ayey dhammeysatay shahaadada digriiga koobaad ee caafimaadka balse sharciga Pakistan ayaa u diiday iney dhakhtarnimo ku shaqeyso.
Mudo dheer marki ay shaqo raadineysay kaddib haddana waxay go’aansatay iney bilaawdo waxbarasho kale oo afar sana ah oo takhasuska cilmiga arrimaha dumarka (Gynacology), waxbarashada marki ay dhameysatayna waxay ka howl gashay Isbitaalka ‘Holy Family’, oo ku yaalla Rawalpindi.
“Waxaan la shaqeeyay koox ka kooban shan dhakhtar, maalmahaa oo mashquul badnaa waxaan kormeeri jirnay dhallaan gaaraya 50 oo ku jira qaybtayada,” ayey tiri Dr Saliima Raxmaan.
Bukaanki iigu horereyey
Sheekada gabadhan dhalinyarada ah oo Dhakhtaradda ah waxay soo jiidatay hay’adda UNHCR. Waxayna hay’addu laamahadowladda ee ay quseyso ay kala hadleen xuquuqda ay u leedahay iney shaqeysato iney u oggolaadaan.
Ugu dambeyntina 2021-ki ayey dhammeystay waxbarashadeeda takhasuskeeda labaad, kaddibna waxay xaruun iyada u gaar ah ka furatay Attock.
“Qofki ugu horereyey ee aan daweeyey waxay noqotay ayeydeey. Waxayna iigu timid inaan dhiigga ka baaro maadamaa ay dhiig kar leedahay. Runti aad bey iigu faantay.”
“Waxaan doonayaa inaan dadka qaxootiga u adeego. Waxaan dareemayaa xanuunkooda. Waxaanna dareensanahay iney ii bahan yihiin.” ayry tiri Dr Saliima Raxmaan.