25th October 2024  admin  Category :

Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo Magaalada Bosaaso Lagu Dhaawacay.

Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa goordhowayd waxa lagu dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka Bari.

Labo dhalinyaro ayaa rasaas la beegsaday Nabadoonka xili uu kasoo baxay Masjidka Tawxiid ee Magaalada Bosaaso,iyadoona kooxdii Nabadoonka dhaawacday ay goobta ka baxsadeen,walow laamaha amniga ee Magaalada Bosaaso ay sheegeen inay ku raadjoogaan kooxdii Nabadoonka Dhaawacday.

Nabadoonkan la dhaawacay ayaa waxay walaalo yihiin Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane.Shire Xaaji Faarax.

Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa mudooyinkii dame la daalaa dhacaysay dilal isdaba joog ah,kuwaas oo aan intooda badan cidna loo qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*