26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tegey degaano ka tirsan Gobolka Bari ku waas oo ay isugu soo hayaameen Dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu wax yeelaysay.

Kormeerkan shaqo ee Madaxweynuhu kula soconaayey xaalada ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada abaartu saamaysay ee ku soo hayaamay degaamadaasi ayaa waxaa  madaxweynaha ku wehelinaayey safarkiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, masuuliyiinta gobolada Bari iyo Karkaar, duqa degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada Dawladda iyo saraakiil kamida  Madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada kob-dhexaad oo hoostagta degmada Ufayn ee Gobolka Bari, soo dhoweyn kadib Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay cusbitaal ay yeelan doonto Magaaladaasi waxaana ay shacabka magaalada Kob-dhexaad cadeeyeen inay ku dhisidoonaan dhismaha cusbitaalka si iskaa wax u qabso ah tasoo ay sheegeen in ay ka midhadhaliyeen hal-kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu shacabka magaalada ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta magaalada, isla mar ahaanta waxa uu cadeeyey in Dawladdu cagan ka gaysan doonto dhismaha cusbitaal iyo sidoo kale qalabayntiisa.

Intaasi kadib Madaweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay Dhanka Magaalada Dharoor oo ka tirsan Degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari waxaana uu madaxweynuhu Soo kormeeray ceel biyood laga qodayo Magaalada Dharoor isla markaana ay hir gelinaysey Dawladdu, waxaana uu madaxweynuhu sheegay inay Dawladda Puntland diyaar u tahay inay hirgrliso halku dhigeeda ah ‘’HAL-JID HAL-CEEL’’ si shacabka Puntland ay uga haqabtirmaan biyo la’aanta iyo sidoo kale wadooyinka muhiimka ah ee isku xira gobolada Puntland, kormeerka kadib shacabka Magaalada Dharoor ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey magaaladaasi Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas ayaa degaanka Yadan-yoodin oo kamida meelaha ay ku soo hayaameen dadka xoola dhaqatada ah ee ay abaartu saamaysay waxa uu ku wareejiyey raashin 500 oo qays  kasoo ay ugu deeqaday hay’ada khayriga ah ee Tadaamur.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay u soo kicitimeen Degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana ay shacabka magaaladaasi si diiran u soo dhoweyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey, soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa layeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada kulan is xog-waraysi ah waxaana ay uga warbixiyeen xaalada guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa usoo kicitimay magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana uu madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaatay shacabka iyo maamulka magaaladaasi.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_9228 IMG_9236 IMG_9274 IMG_9283 IMG_9290 IMG_9298 IMG_9313 IMG_9317 IMG_9319 IMG_9320 IMG_9327 IMG_9332 IMG_9336 IMG_9341 IMG_9343 IMG_9345 IMG_9353 IMG_9359 IMG_9366 IMG_9377 IMG_9383 IMG_9385 IMG_9390 IMG_9395 IMG_9400 IMG_9412 IMG_9417 IMG_9444 IMG_9455 IMG_9475 IMG_9487 IMG_9490 IMG_9497 IMG_9504 IMG_9506 IMG_9513 IMG_9518 IMG_9522 IMG_9530 IMG_9544 IMG_9551 IMG_9554 IMG_9576 IMG_9598 IMG_9607 IMG_9621 IMG_9629 IMG_9638 IMG_9640 IMG_9649 IMG_9654 IMG_9659 IMG_9662 IMG_9684 IMG_9714 IMG_9729 IMG_9738 IMG_9743 IMG_9744 IMG_9752 IMG_9756 IMG_9765 IMG_9768 IMG_9776 IMG_9779 IMG_9784 IMG_9789 IMG_9791 IMG_9794 IMG_9805 IMG_9839 IMG_9846 IMG_9860 IMG_9876 IMG_9879 IMG_9882 IMG_9891 IMG_9901 IMG_9903 IMG_9908 IMG_9919 IMG_9922 IMG_9941 IMG_9944 IMG_9947 IMG_9950 IMG_9952 IMG_9957 IMG_9961 IMG_9963 IMG_9966 IMG_9974 IMG_9978 IMG_9982 (1) IMG_9982 (2) IMG_9982 (3) IMG_9982 (4) IMG_9982 (5) IMG_9982 (6) IMG_9982 (7) IMG_9982 (8) IMG_9982 (9) IMG_9982 (10) IMG_9982 (11) IMG_9982 (12) IMG_9982 (13) IMG_9982 (14) IMG_9982 (15) IMG_9982 (16) IMG_9982 (17) IMG_9982 (18) IMG_9982 (19) IMG_9982 (20) IMG_9982 (21) IMG_9982 IMG_9994 (1) IMG_9994 (2) IMG_9994 (3) IMG_9994 (4) IMG_9994 (5) IMG_9994 (6) IMG_9994 (7) IMG_9994 (8) IMG_9994 (10) IMG_9994 (11) IMG_9994 (12) IMG_9994 (13) IMG_9994

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*