17th November 2024  admin  Category :

Macallin/Bare sare Cabdi Ismaciil Cusmaan Hoori Waa Kuma ?(Qaybta 1aad.)

Cabdi Ismaciil Wuxuu sannadkii 1941 kii ku dhashay Deg. Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,

Waxayna Qoyskiisu kasoo jeedaan dad aqoon iyo ilbaxnimo fac weyn leh Oo ka Tirsan qabiilka Jibriil Siciid / Warsangeli oo dega deegaanada Laasqoray, Waqderiya, Jiidali Iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Macaalinka Aabihii (AHUN) Wuxuu ahaa badmareen ka shaqayn jirey maraakiibtii Ingiriiska, laakiin isla sannadkaa macallinku dhashay ayuu deggenaansho rasmi ah ka qaatey carriga Ingiriiska Gaar ahaan Liverpool/England.

Macallinka Awoowgii Hoorri (AHUN), waa ninkii sheeko ka dhacday magaalo xeebeedka Waqderiya ay ku baxday Maahmaah ama hal-ku-dhig Soomali badani taqaano oo odhanaysa: “HOORI Baa Magaalo Ah”.

Macallinka Hooyadii Culimo Cawl (AHUN) Waxay kasoo Jeeddaa Deegaanka Waqderiya, Halkaas oo xilligii Macallinku dhashay Aabeheed Cawl (AHUN) uu ka ahaa caaqilkii u horreeyey ee reerka Maxamed Muuse Ismaciil (Urur-Suge).

Macallinku Wuxuu Waxbarashadiisii Hoose/Dhexe kusoo qaatey dugsiyada Ceerigaabo Iyo Dayaxa ee Deg. Ceerigabo.Wuxuu uga sii gudbey Camuud halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisii sare, isaga oo galay ATTC ama (Amud Teacher Training Centre)., Wuxuuna usii wareegay Hargeysa oo uu iyadana ka bilaabay HTTP ama (Hargeisa Teacher Training Program).

Intaa ka dib Macallinku Wuxuu ka mid noqday 25 kii macallin ee u sarreeyey imtixaan laga qaaday macallimiintii Soomalida 1970 kii, sidaas ayuuna kaga mid noqday ardaydii u horreeysey ee lagu billaabay kulliyaddii Macallimiinta ee Lafoole ee caanka ahayd 1971 dii. Intii uu ku jirey Lafoole 1971-1974 wuxuu waxbarashadiisa kowaad ku takhasusay maaddada xisaabta (Major Mathematics), Kan Labaadna wuxuu qaatay cilmiga Kimisteriga (Minor Chemistry).

Macallinku waayo aragnimadiisii shaqo ee macallinimo wuxuu kasoo qaatey meelo badan oo uu kasoo shaqeeyey waxaan ka mid ahaa:Dugsigii hoose ee BEER, ee Deg. Burco Macallin iyo Maamuleba wuu kasoo noqday badhtamihii lixdamaadkiiDugsiyadii hoose/Dhexe ee magaaloyinka Oodweyne, Qoryaale, iyo Dayaxa wuu kasoo shaqeeyey.Dugsiyadii sare ee Shiikh iyo Shiikh Bashiir ee deg. Burco Wuu kasoo shaqeeyey.Dugsigii sare ee Farsamada gacanta Burco (TIB), muddo 12 sano ah ayuu macallin iyo Maamule kasoo kala noqday sannadihii u dhexeeyey 1976 ilaa 1988 kii.

Gobolka Bay/Somaliya wuxuu kasoo noqday guddomiyihii waxbarashada ee gobolkaas intii u dhexeysey 1989 ilaa 1991 dii.Markii ay Burburtay dawladdii dhexe ee Soomaliya, Macallinka iyo reerkiisuba waxay u guureen dibedda, gaar ahaan waxay degeen Carriga maraykanka.Halkaas ilaa muddo17 sano ah, Cabdi Ismaciil Wuxuu Bare sare ama Khabiir jaamacadeed ka ahaa Jaamacadaha iyo dugsiyo sare oo ku yaal Maraykanka.

Hadda oo Macallinku galay Xilligii hawlgabka wuxuu weli si tabarucaad ah wax ugu dhigaa arday soomaliyeed oo wax ka barata jaamacadaha iyo dugsiyada magaalada uu deggen yahay ee Columbus/Ohio/USA. Wuxuuna ka caawiyaa barashada cilmiga xisaabta.Ugu dambayn macallinku hadda waa Aabe leh 10 carruur ah, wuxuuna la nool yahay Xaaskiisa oo ah Marwadiisii u horrreeysey ee u dambaysey ee uu weligii guursado, oo uu aad ugu kalsoon yahay una jecel yahay, uuna aaminsan yahay inay tahay rafiiqii kooowadd ee halgankii noloshiisa lasoo qaadatay, intaana soo barbar taagnayd, Waana Marwo Hooyo Caasha Xasan Oo Ka dhalatey qoys kasoo Jeeda bariga Burco (Yesif/ HT).

La Soco Qaybo Kale oo Ku Saabsan Sheeko Na Dhex Martey Aniga Iyo Macallinkayga Cabdi Ismaciil.

Omer Elmi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*