1st May 2024  admin  Category :

Dawlada Federaalka ah ee Ethiopia ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland soo gaarsiiyey 50kun oo geed oo kamid ah Shan-malyan oo Geed oo dawlada Ethiopia ugu deeqday Puntland si loo cagaariyo magaalooyinka sarena loogu qaado quruxda iyo qabowga magaalooyinka Puntland.

Munaasabad lagula kala wareegayey dhirtaan ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaana ka qaybgalay Wasiiru-dawlaha ahna kusimaha Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Cabdirashiid Cali Geelle Wasiiro kale oo socday dawlada Puntland, agaasimeyaal, duqa caasimada Garoowe,maamulka garoonka diyaaradaha, Qunsulka dawlada Ethiopia ee Puntland iyo masuuliyiin ka socday dawlada Ethiopia oo dhirtaan soo gaarsiiyey Puntland.

Kusimaha Wasiiru-dawlaha ahna kusimaha Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo dhirtaan markii ay dawlada Ethiopia kala wareegtay Puntland kahadlay ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta qunsuliyada Garoowe iyo kuwa dawlada Ethiopia oo mudo ku mashquulsanaa qorshaha keenista dhirtaan, sidoo kale masuuliyiiintii ka qaybgashay la wareegitaanka dhirta ayaa qaybtii ugu horeeyey ee dhirtaan kuwada beeray garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

May be an image of 7 people, people standing, outdoors and tree
May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*