25th October 2024  admin  Category :

Dhalaanka Damuljadiid , HAG IYo Farmaajo oo wada socda

Suufiga Siyaasadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho,  ayaa Barakacayaashii uu Muqdisho  kula kulmay   u  sheegay inuu u tartamayo Madaxweynaha Soomaaliya. Laakiinse xaqiiqda  jirtaa sidaa wa ku duwan tahay , oo shirkii ay dhowaan Farmaajo iyo Siyaasiyiinta Hawiye Action Group ku yeesheen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxay ku heshiiyeen inuusan haysan fursd uu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya, sidaas awgeed uu taageero Xasan Culusow, taa bedelkeedana uu ku helayo Ra’isawasaare.

Dhowaan mid ka mid ah dhalaanka Damuljadiid, laguna magcaabo Fahad Yasiin ayaa Farmaajo Diyaarad u saaray dalka Qatar si u soo baro Ikhwaanka dalka Qadar oo taageera Damuljadiidka Soomaaliya iyo Alshabaab.

Shirkii ka dhacay Nairobi  waxa soo qaban qaabiyey nin lagu magcaabo Cali Yare

Cali yare ayaa ka soo jeeda Beesha Xasan Aweys, halka Fahad Yaasiina uu ka soo jeedo beesha Farax Cabdulqadir, labadan Dhalaan ee Xasan Aweyn iyo Faarax Cabdulqaadi adeerada u yihiin oo aan maalin ka shaqayn sidii Qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa, qabana cuqdad Darood,  oo Soomaalida qaarkood ka jecel dalal ajaaniib ah sida Itoobiya  ayaa maanta galbinaya Farmaajo iyaga oo Umadda Soomaaliyeed inteeda kale doonaya inay  ka dhaadhiciyaan  Huuhaa iyo Dhalanteed  inay isbedel keenayaan.

Ugu danbayntii Maxamed Farmaajo oo suufi siyaasadeed oo seef la bood ah ayaa  waxa galbinaya oo Mashxarad la daba socda  Dhalaanka damuljadiid. L,ama oga halka ay gaarsiin doonaan. Laakiinse waxa xaqiiq ah inay Farmaajo jar ka tuuri doonaan xil kasta oo loo magcaabo, Soomaali inteeda kalen ka hor keeni doonaan, gaar ahaan beesha Daarood

https://youtu.be/WB2pfA33nRU

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*