23rd October 2024  admin  Category :

Guriga Generaal Ilkojiir ee magaalada  Muqdisho  iyo Xildhibaanka Aqalka sare

Xildhibaanaddii Aqalka sare ee waqooyiga Soomaliya ee ka imanayey Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa labo mid noqonaya. sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

1- In la siiyo beelihii horay loogu talo galay ee Harti Waqooyi

2- Iyo in haddi taasi dhici waydo in gebi ahaanba la laalo.

Maanta Guriga generaal  Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko jiir ee magaalada Muqdisho waxa ka socota olole xoogan oo siyaasiyiin badani ku doonayaan inay qaataan xilka kursiga sare ee beesha Warsangeli ka helayaan waqooyiga Soomaaliya.

Hadaba Talo ahaan waxaan Generaalka  u soo jeedin lahayn intii  dad aan u qalmin xilkan ay  qaadan lahaayeen oo hadhow isaga  la eedayn lahaa, In  uu hadda isagu Xildhibaankan  qaato oo ay is garab fariistaan Aqalka sare saaxiibkiis Xildhibaan  Cabdiraxmaan Faroole.

Haddi ay taasi dhici waydo waa in xilkan la siiyaa beelaha Warsangeli oo aan Xildhibaanada ku lahayn  baarlamaanka Puntland iyo federaalka iyo beelaha aan marna ka soo qaban Xildhibaanada Federaalka iyo Puntland.

ALLSANAAG.COM

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*