27th November 2024 admin Category :
Maalinta Berito ah iyo kulan looga hadlayo kuraasta Aqalka sare ee Gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu qabanayo Muqdisho
Kulankii maanta ee looga hadlayey sadexdii kursi ee Aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag oo ay muranka geliyeen Dirta Waqooyi ayaa loo balamay maalinta berito ah. Ka dib markii maanta laysku afgaran waayey
Maalinta Berito ah kulanka ugu horeeya ee dhacaya caasimadda ASoomaaliya ee Muqdisho , ee looga hadlayo kuraasta Aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa bilaabaya guddigii horay arintan loogu saaray oo kala ahaa
Madaxweyne Xasan Culusoow
RW Cumar cabdirashiid
iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Jawaari,
Kulankan ayaa marka danbe waxa ku soo biiraya, haddan wax is bedelin
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey iyo Rw ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan.
Gadaal ayaa shirkan waxa kaga soo biiraya madaxda maamul goboleedyada oo dhan
Markaas ka dib ayaa haddi heshiis la gaaro oo lays afgarto waxa lagu dhawaaqayaa maalinta ay qabsoomayso doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha . Sidoo kale kuraasta gobolada Sool iyo Sanaag ayaa go’aan laga gaarayaa.
Warkan sida uu yahay waxa nagu soo gaarsiiyey Siyasiyiinta aanu xiriirka fiican wada leenahay oo had iyo jeer Isha ku haya ALLSANAAG
ALLSANAAG/COM