25th November 2024 admin Category :
Yaa bedelayaa Xildhibaankii dhowaan ku geeriyooday Garowe
Dhowaan magaalada Garowe waxa lagu qaban doonaa doorsho loo tartamayo qofkii bedeli lahaa Xildhibaankii dhowaan ku geeriyooday Caasimadda Puntland ee Garowe.
Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen beesha uu ka soo jeeday marxuumkii dhintay Allah ha u naxariistee Daahir Xaji Geele, ayaa waxay ka heshiiyeeeb dhamaan khilaafkii dhexdooda ahaa. Gaar ahaan Ragii la tartamayey Marxuumka, marka uu xilka Xildhibaanka ku guulaystay ayaa waxay la yimaadeen Tolnimo, Tanaasul iyo Ilbaxnimo. Waxayna soo jeediyeen in marxuumka dhintay lagu bedelo walaalkiis Caaqil Maxamed Xaaji Geele. Siyaasiyiintan tanaasulay ayaa horay dacwad u gudbiyeen hadda joojiyey iyaga oo xeerinaya Tolnimada iyo wada noolaashaha
Sida la sheegay doorasho waa lagu qabanayaa Garowe , hase ahaatee boqlkiiba sagaashan iyo sagaal waxa ku soo baxaya Caaqil Maxamed Xaaji Geele sida lagu wada heshiiyey oo laysku afgartay
ALLSANAAG.COM