30th November 2024 admin Category :
Siyaasiyiinta beesha Hawiye goormay ogaanayaan in Garoonka Gaalkacayo uu magaciisu yahay Garoonka Diyaaradaha ee caalamiga ee ku yaal magaalada Gaalkacayo
Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee caasimadda Soomaliya ee Muqdisho, oo maanta lagu magcaabo garoonka Aadan cade, waxa loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
In garoonka Muqdisho loogu magac darao oo lagu maamuuso madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Adan Cade waxa ka danbeeyey Allah u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf oo fahansanaa dawladnimo iyo Qaranimo waxay tahay.
Maanta Siyaasiyiintii beesha Hawiye iyo warbaahintoodu iyaga oo marti ku ah garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo ayeey waxay inkirayaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gaalkacyo iyo in Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ay magaciisa ugu yeeraan. Waxayna ugu yeerayaan Garoonka Gaalkacayo. Halka ay ka ahayinay ugu yeeraan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Cabdulaahi Yuusuf ee ku yaal “magaalada Gaalkacayo.
Hoos ka daawo heshiiskii maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo ee lagu marti geliyey Bulshada Caalamka iyo Soomaali badan
.