25th October 2024  admin  Category :

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa goor dhow u geeriyooday cudurka Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay u xanuunsanayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu ku jiro Wasiirka Amniga Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay geerida Wasiiru dowlaha Cadaaladda oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle

Xildhibaanka ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, isaga ku xanuunsanayay magaalada Jowhar, waxaana xilligaas looga shakisanaa xanuunka Coronavirus oo lagu arkay calaamado ka mid ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa jimcihii caddeysay in laga helay cudurka Coronavirus 9 ruux oo uu ku jiro Mas’uulkan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*