25th October 2024  admin  Category :

Kaaraan Waa degaan Hawiye, 1980 dalka ayaa Kaligii taliyaa si sharci daro ah dhulka Asluubta la siiyey Dawladda, Waa degaan Hawiye .

Xasan Cabduqaadir Muudeey, oo ah la-taliyaha dhanka warbaahinta Hirshabelle State ayaa dulmi ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray taliyaha asluubta ee ku aadanaa sheegashada dhulka Keysaneey iyo degmada Balcad.

Muudeey ayaa bartiisa facebook kusoo daabacay sidaan:-

Taliyahaan halayga gaarsiiyo dhulka asluubta leedahay ee aan laga raadineyn, Hargeysa, Kismaayo, Baardheere, Boosaaso, Garoowe iyo Caabudwaaq in aanan laga heli doonin Kaaraan iyo Balcad.

Taliyow hadaad dhul rabto hal qoys degan yihiin shub, hadii wax laguu soo sheegay aad soo qaadatayna shub, hadaadan aqoon ulaheyn dadka degan dhulkaa sheeganayso shub .

Taariikhda aad leedahay 1980kii ayaa asluubta lasiiyayna waqtigaas dalka nin xoog millatari ku qabsaday ayaa ka talinaayay, siffo sharci darro ah ayaana dhulkaa dadkii lahaa looga qaaday.

Maanta dalku waa federaal ee waxa aad sheegayso hadii ay dowladnimo kaatahay tag magaalooyinka aan kor kusoo xusay, hana ku riyoon dadkii canshuurta kaligood laga qaadayay ee ku qanacsanaa aad Tvgii qaranka uga soo dirto farriin ku qotonta handadaad.

Qaanuunkii lagu dhaqayay dalka ee kooxdii kacaanka Jamhuuriyadda Soomaaaliya lamagac baxay, waxaa lagu bedelay qaanuun Kmg ah oo federaal ah,dalkuna waa hore ayuu ka guuray qaanuunka warqadahaas soo saaray.

Inta aad taliyaha ahayd waxaad nala wadaagtay, erayo kuu caanbaxay oo ay kamid tahay :- Shub hadaad il la’dahay,hadaad lug la’dahay shub iyo hanadaad aad shacab masaakiina intaad meel soo saftay si aan qarsooneeyn aad ku laheyd xabad ayaan idin taqaan.

Waxaan kula wadaagayaa in dalkaan ay maslaxaddiisu tahay deganaan iyo in laga wada shaqeeyo isku keenid kalsooni ku dheehan tahay ee shubta kuu caan baxday dareen dowladnimo oo qaanuunkeeduna Kmg yahay fahamkeeda qaado.

https://allsanaag.com/sareeye-gaas-gudoomiye-ka-xoog-batay/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*