23rd November 2024 admin Category :
Marabida joogta Hargeeysa waxaa laga dhaadhacsaday in dal Soomaaliland la yiraahdo ay wada dhisteen iyada oo ujeedka uu yahay sidii awrka loogu kacsan lahaa. Hadaba mar uu hadlayey madaxweeynaha maamulka Hargeeysa, Muuse Biixi, waxa uu yiri, “Intaa ay mideeysnaayeen labada dal, wixii dhaqaalo horumarin ah ama mashaariic ah ee caalamku ugu deeqay Bari iyo Galbeed wixii lagu guraayey, Ruush, Mareeykan iyo Caraba oo berigaa aad u irmaanaa boqolkiiba 7% ayaa ka soo gaaray Soomaaliland oo ahaa wadadaa Burco soo gaadha ee socota illaa iyo Hargeeysa galbeedkaa uga baxda kalabeeraka iyo warshadii sibirka, ragiinaa waad wada joogteen halagu daro haddii wax kalle la hayo.” Hadaba, dhammaan SNMta waxeey u heeystaan Soomaaliland marka ay dantooda gaarka ah ka dhex arkayaan inta beesha Isaaq ay degto, marka kallena waxa ay ku soo darsadaan Sool, Sanaag iyo Awdal.
Muuse Biixi marna kama hadlin mashaariicdii laga fulliyey gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal oo ay ugu weeyneed warshadii kalluunka ee Laasqoray, balse wuxuu soo qaatay warshadii sibirka iyo waddo laamih ah oo Burco ka tagta.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa soo dhaweeyay hadalkaa Muuse Biixi ee uu uga hadlayey waxa quseeya maamulkooda iyo deegaanadooda ee wax qabad ahaa, kana soo gaaray dawladihii soo maray Soomaaliya oo dhan, isagoona faraha kalla baxay inuu ka hadlo wixii mashaariic ahaa ee laga fulliyey gobolada kalle sida Sool, Sanaag, iyo Awdal. Hadaba, riwaayadda ay SNMta dhigeeyso iyo marabida ag fadhida mida ay aaminsantahay maxaa kalla heeysta?
Hadaba, hadalkaas Muuse Biixi uu sheegay kaga boggo daqiiqada 37:20 ee muuqaalka hoose.