25th October 2024  admin  Category :

Farmaajo cadaadiska uu Caruurta Puntland saaray ma saari doonaa Hogaamiyaha SNM ee caawa ay u wada hoyan doonaan Addis ababa

Hogaamiyaha beelha Isaaq Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa waxaa warbaahinta uga warbixiyey Afhayeenka Hogaamiyaha SNM Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in Hogaamiyuhu uu halkaas kulamo kula yeelan doono Madaxweynayaasha qaarada Afrika.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in magaalada Addis Ababa uu horey ugu sugnaa Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee SNM Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka waday hawlo diblumaasiyadeed.

Magaalda Addis Ababa ee tegay Muuse Biixi, waxaa shir ugu socdaa Urur Goboleedka IGAD, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Afrika ee Addis Ababa ku sugan ay kulan siin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*