27th March 2024  admin  Category :

Khilaafkii Goodax iyo Maareeye u dhaxeeyey wuxuu ku dhamaaday wada shaqaynta ay ka shaqaynayaan Duminta Puntland

Loolan xooggan ayaa ka dhex socday dhowaan wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre, iyo wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir Mareeye, ayada oo la isku hayo awoodda labada wasaaradood.

Wasiirka Maareeye ayaa qoraal uu soo saaray ku gacan seeray wax kama jiraanna ku tilmaamay Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo isla maanta uu dhisay wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Qoraalka Maareeye ayaa ku dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.”

Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage).

Labadan Wasiir , waxa xafiiskooda uGu yeedhay madaxda sare ee dawladda Federaalka, waxaana loo sheegay in manta ay haystaan Fursad ay ku burburiyaan Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*