22nd November 2024 admin Category :
Reer guuraagii Sool iyo Sanaag ayaa sidii loo lahaa waa dhul laysku haysto maanta gaajo iyo haraad waxay ugu dhimanayaan degaanadoodii iyadoo bulashada Caalamka ee ku sugan Garowe iyo Hargaysa ay ku taageerayaan siyaasad xumada Siilaanyo iyo Gaas
Cuna qabatayntii iyo duulaankii maamulka Somaliland ku hayeen gobolada Sool iyo Sanaag ayaa sababtay in maanta gaajo loogu dhimanayo Goboladaas. Denbiyada aduunka ugu waaweyn ayaa waxa ka mid ah in qaab dagaal loo isticmaalo bulshada aan hubaysnayn oo la Oomiyo ama Cunatada laga cuna qabateeyo. Muuqaalka kore Waa Reer Guuraaga beesha Dhulbahante, Muuqaalka labaad waa reer Guuraagii beesha Isaaq oo lacagtii caalamku ugu deeqay iyaga iyo dadka ay sheegtaan loogu iibiyey Booyado biyo loogu dhaaminayo
https://youtu.be/6d85TW3fcSM