26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaabnada  gobolka Sanaag  ku yeelan doonaan Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay noqon doonaan Xildhibaanadii horay uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Sadexdii Xildhibaan ee gobolka Sanaag uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar labaad ku noqonaya Muqdisho,  iyaga oo blashada reer Maakhir uga wakiil  noqon doona  Baarlamaanka Soomaaliya

Sida ilo lagu kalsoon yahay ALLSANAAG u  sheegeen sadexdan Xildhibaan oo horay uga midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar labaad Suldaanka beesha Warsangeli Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam  magacyadooda soo  gudbiyey, maamulka Puntlandna uu ka aqbalay.

Sida ay noo sheegeen Odayaal ka mid ah reer Maakhir,  Suldaan Siciid labo arimood ayuu sabab uga dhigay inuu dib ugu soo celiyo Xildhibaanaddi hore.

Tirada Xildhibaanada oo ah  tiro yar iyo beelaha reer Maakhir oo wada doonaya inay Muqdisho cid u dirsadaan ,  oo xildhibaanka noqdo  mid beeshooda ka soo jeeda

Arinta labaad  waa beelihii Xildhibaanada ku lahaa baarlamaanka Puntland oo doonaya in Xilka laga qaado Xildhibaanada Federaalka ,Hase ahaatee iyaga doonaya in kowooda Puntland ay sii haystaan kuwa Muqdishona ku darsadaan

Ugu danbayntii Midnimada Beesha Maakhir kuma jirto warbaahinta oo canbaarayn hawada laysu mariyo, ee waa in beeshu dib isugu laabataan  oo khaladka jira la wada saxaa . Dhibka maanta reer Maakhir haysta  haddi ay ahaan lahayd abaaraha degaanka ka  jira  iyo duulaanka dhul boobka ah ee lagu hayo MAAKHIR  ayaa ka weynn sadex qof oo Muqdisho u shaqo tagay in beesha lagu kala kaxeeyo  oo colaad iyo nacayb la dhex dhigo

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid waa murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida ololaha doorashadu ay  tahayna  meel kasta oo aad cod ku ogtahay  waa ka raadsanaysaa adiga  xodxodanaya si cod laguu siiyo  . Maaha in Cumar Cabdirashiid lagu canbaareeyo ololihiisa doorashada  ee waa in gorgortan siyaasadeed lala galaa, Bulshada reer Maakhirna waa in ay ku taageeraan in madaxweynaha soo socdaa uu noqdo Cumar Cabdirashiid

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*