27th July 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Puntland oo lagu xamman jiray ineey yihiin xubno aan la xisaabtamin xukuumadda ayaa kalfadhigii soddon iyo siddeedaad su’aalo adag ku weeydiiyey Madaxweeynaha Puntland Ca/welli Gaas. Su’aalaha la weeydiiyey waxaa ka mid ahaa su’aalo aad muhiim u ah oo ay aheed inuu madaxweeynaha ka jawaabo, balse kama uusan jawaabin su’aalihii ay aheed inuu ka jawaabo, waxaana ka mid ahaa kuwii uusan ka jawaabin su’aashii aheed:

-Markii uu ololaha doorashada ku jiray madaxweeyne Gaas wuxuu sheegay in Laascaanood faataxo aan lagu qabsan, faataxana lagu soo cellineen, iyadoo maamulkiisana uu madaxa ka jaray seddex sanno; wuxuu ugga baxay su’aashas jawaabteeda in baarlamaanka uu si gaar ah ay haboon tahay inuu uggu xog waramo arrintaas;

-Jawaab waafi ah kama bixin sababaha uu mar kasta uu dalka ugga baxo ama uu ugga maqnaado marka collaado iyo abaaro ay jiraan, wuxuuna ugga baxay inuusan xiiso u qabin diyaarad iyo hotel la seexdo, balse uu danta dalka iyo difaacidiidsa uu u baxo;

-Lacagaha Shilin Soomaaliga ah oo dawladda Puntland ay ku daabacato magaalada Boosaaso oo sababtay sicir barar, taas oo aan ku jirin miisaaniyadda dawladda lacagahaas la daabacday waa uu beeniyey madaxweeynaha ineeyba jirto lacago la daabacay;

Madaxweeynaha Puntland, tan iyo markii xafiiska uu qabtay, ma dhicin in su’aalo la weeydiiyo, balse wuxuu ahaa mid isaga wasiirada su’aalo weeydiinayey oo la xisaabtamayey. Waxaase haboon in madaxweeynaha uu isna baarlamaanka ugga jawaabo su’aalaha la weeydiinayo si shacabka ay u oggaadaan xaaladda dhabta ah, balse haddii uu ka dhigo arrimihii shacabka ay aheed ineey wax ka oggaadaan faq dad gaar ah dhagta wax loogu sheegayo mid noqoneeysaa ayaan darro.

Hadaba waa tallaabo aad u wannaagsan arrinta baarlmaanka su’aalaha ay ku weeydiiyeen madaxweeyanaha Puntaland, waxaana loo baahan yahay in cid kasta oo ka mid ah dawladda ay baarlamaanka la xisaabtamaan.

Sidoo kalle, waa in baarlamaanka ay oggaadaan in Madaxweeynaha, Ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay yihiin dadkii soo doortay, maantana haddii la fahmi waayo waa in ay xilka ka qaadaan.

Dadka Puntland ayaa ka niyad jabay baarlamaanka Puntland oo noqoday mid soo min guuriyey kii Xamar ka dhisnaa ee mooshinada iyo musuqmaasuqa ku caan baxay, waxaana dhab ah haddii aysan baarlamaanka Puntland joojin dhaqanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtan la’aanta hay’addaha dawladda ay noqon doonaan kuwo aan la qiimeen, oo hadalkoodana aan la dhageeysan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*