23rd October 2024  admin  Category :

Maqaalkan waxa qoray Cabdirisaaq Maxamed Shirwac, oo ahaa Murashaxii xilk xubinta Gobolka Sanaag ku yeelanyo Barlamaanka Puntland doorashadii hore kula tartamayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland  Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril .

SAFARKA SANAAG IYO HAYLAAN.

Wasiir C/llahi M xasan iyo Gudoomiye C/rashiid intii ay Garteen Umada inteeda badani ayey sheegeen oo ah in whatsapp Groups xasarad iyo Tumasho laga abaabulo ineysan aheyn iney hagrato Horumarka Gobolada ka socda.

Cida waxtabaneysa oo Warsangeli ahi hala garnaqsato Maamulka Puntland oo qiiro jabaanka hayska joojiyeen.

Weli intii aan ka hadlayey iney Khaldantahay Saami qeybsiga Puntland oo ilaa 1998dii aheyd weli qolyahaan hada leh Laascaanood oo Wiil Hargeysa ka yimi ka taliyo ayaanu wax la qaybsanaynaa MAAN ARAG MANA MAQAL IYAGOO leh “Inaanu ciise Maxamuud ama cismaan Maxamuud ama laf Majeerteen ah inaanu la saami noqono nama qabatee PUNTLANEY wax halaga bedelo saami qaybsiga “!

Ma xuma in la wada xisaabtamo oo xaq jira oo muwaadinku xaq u leeyahay, laakinse qaaraan diid oo marka la yiraahdo wadada wax ku bixi, adeegyada kale wax ku bixi dhuumanaya inuu misana yiraahdo Dowlad dhalanteed baa idiin dhisayaa waa nasiib daro, aanba ka afeeftee, qolada hada wada qiireysan ma wada aha qaaraan diid waxaa ku jira rag badan oo aan Tixgelin u hayo oo aan qaarkoda badani halgan dheer kuwada jirney

Warsangeli uguma horeyso iney ku dhawaaqaan Maamul cusub oo xiligii Marxuum Cade Muuse talada hayay ayay aheyd markii koox Aqoon yahano ah oo hada ku kala qeybsan aragtidaan ah in Sool oo maqan wax halala dhisto. Rag badan oo aan hada kala aragti duwanahey ayaa arintaas berigaa ka midaysnayn, wakkhtigeediina waa laga soo gudbay

Si kale hadaan u dhigo SOOL waxay Puntland ku leedahay 17 xildhibaan, MKxigeen, 8 Wasiiro iyo waxeero Shaqaale ah oo waxaad moodaaba iney Xaqoodi dhacsadeen maxaa markaa keenaya qolada ka xishootey in Puntlandtii lawada dhistey lala xisaabtamo soo kordhineysaa hada. Waa waxba.

Tolka ka qeylinaya Mareekanka iyo meelahaas kale waxaan leeyahay qeylada iyo enerjiga ku bixiya sidii Puntland lawada leeyahay loo heli lahaa, hana laga qeyb galo horumarka ka socda gobolada.

Afeef.

Akhriste, saaxiib, masuul kama ihi saad u fahantid Qoraalkeyga laakinse masuul waxaan ka ahey saan ula jeedo.

NABADI KORKIINA HA ahaato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*