26th July 2024  admin  Category :

Guddiga Gurmadka qaraxii Ex-control Afgooye oo bandhigay dhimashada iyo dhaawaca la geeyay Isbitaalada Muqdisho

Guddiga Gurmadka qaraxii saaka ka dhacay Ex-control Afgooye, ayaa soo bandhigay xog hor dhac ah oo ku saabsan, Tiradda dhismashada iyo dhaawacyadda la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Shaxda Isbitaalada la geeyay Meydadka iyo Dhaawacyada ayaa waxaa ka soo muuqday, Isbitaalada kala ah.

Ibitaal Madiina: 73 Meydad ah iyo 67 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 52 dhaawac ah, halka 15 qofna Isbitaalka laga bixiyay.

Isbitaalka Erdugan:4 Meydad ah iyo 33 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 33 qof, mana jirta qof ilaa iyo hadda Isbitaalka laga bxiiyay.

Isbitaalka SomaliSudanes: 1 Meyd ah iyo 16 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka jiifa 10 ruux, waxaana laga bixiyay 5 ruux oo lagu daray, Bukaanada jiifa Isbitaal Erdugan.

Isbitaalka Egyptian: Wax meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 2, waxaa weli jiifa hal qof, waxaana laga bixiyay hal qof.

Isbitaalka Shaafi: wax Meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 10 ruux, waxaa weli jiifa 9 qof, waxaana laga bixiyay, hal qof.

Kalkaal Hospital: Ma jirin Meyd la geeyay, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 15 ruux, waxaa weli ku jira 4 ruux, waxaana laga bixiyay 11 qof.

Isbitaalka Daaru Shifa: Wax Meyda lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 6 ruux, waxaa weli ku jira 6 qof, mana jiro bukaan laga bixiyay.

Wadarta guud ee tirada Dhimashada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaareysaa 79 ruux oo meydad ah.

Wadarta guud ee tirada Dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaarayaan 149 dhaawacy ah.

Wadarta guud ee Bukaanada weli jiifa Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaarayaan 111,

Halka wadarta guud ee tirada Bukaanada Isbitaalada laga bixiyana ay gaarayaan  33 qof.

Guddiga ayaa weli ku howlan baadi goobka xogo kale oo ku saabsan Meydad iyo Bukaano ay suurta gal tahay in aan la diiwaan galin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*