25th October 2024  admin  Category :

Puntland oo mamnuucday furitaanka xafiisyo siyaasadeed illaa iyo inta lagu heshiinayo hannaanka doorasho ee dalka

Digreeto ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in illaa amar dambe deegaanada Puntland aan laga furan karin wax xafiisyo siyaasadeed ah, sida kuwa ururada siyaasada heer fadaraal iyo kuwa ay furanayaan shaqsiyaad ka tirsan xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Qoraalka waxaa ku saxiixan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana lagu xusay in si degdeg ah loo xiro xafiisyada laga furay degmooyinka Puntland qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*