27th November 2022  admin  Category :

Taliyihii ciidamada Gorgor ayaa lagu dilay Isbaaro taala meel aan ka fogayn Villa Soomaaliya

Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Muqdisho horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa caawa isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa lagu dilay afaafka hore ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa dilkoodu yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen Maleeshiyaad Isbaaro u taalo Muqdisho, oo ilaaninaysay goob ganacsi

Askariga ayaa isaga oo meyd ah goobta laga qaaday, waxaana dhaawac uu isbitaalka ugu geeriyooday goobta looga qaaday Maxaadey Saleebaan oo ahaa tiliyihii urur ka tirsan ciidamada uu taba baray Turkiga oo lagu magacaabo Gorgor.

Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Ho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*