26th November 2024 admin Category :
Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa si cad uga hor yimid in Gobolka Hiiraan uu la mid noqdo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu aqalka sare ka helo Afar Xildhibaan. Halka Isimada beesha Warsangeli ee degta Gobolka Sanaag ay hawada u mariyeen hanbalyo markii maamulka Puntland uu kala mid dhigay beela Cismaan Maxamuud iyo Cali saleebaan ee kala dega Qandala iyo Qardho, oo midkiiba hal Xildhibaan ka helay aqalka sare , Degmada Qardho iyada waa ka duwan tahay degmooyinka kale oo labo Xildhibaan ayeey aqalka sare ka heshay mid ka soo jeeda Beesha Janbeel iyo mid ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud, Degmada Dhahar oo ay deris ka yihiin dhinaca bari degmada Qardho, iska daa inay Xildhibaan helaane xitaa tartankii looma ogolaan inay ka soo qayb galaan.