25th November 2024 admin Category :
Laga soo bilaabo Kooxdii Jaamac Cali Jaamac, weerarkii Faroole uu qaaday waqtigii uu wasiirka ahaa, Taliaha ciidanka Booliiska ee hadda xilka haya gadoodkii uu sameeyey waqtigii Gaas ka qaaday xilka , wasiirka amniga ee hadda xilka haya , marki uu gadooday oo Daacish iyo Bari guntiis aaday, wasiirka maaliyadda ee hadda xilka markuu gadooday oo Aaran jaan abuuray, intuba sharciga ayeey horay u jebiyeen maxkamadna lama soo saarin, waxayse ku mutaysteen argagixiskii iyo cabsi gelintii bulshada reer Puntland in xilalkii ay hayeen mid ka sareeya loo magcaabo, hubkii umadda reer Puntland ka dhaxeeysana ay gaar u yeeshaan.
Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta beesha Majeerteen qura ugu gadoodaan Puntland ? Maxaase ka maqan oo Beelaha kale ee reer Puntland haystaan? Sharciga Puntland muxuu ka qabaa in xoog lagu qabsado xafiisyada dawladda, bulshadana la cabsi geliyo
https://youtu.be/HGvuhCccLBI