25th October 2024  admin  Category :

Faroole oo ku guulaystay in nin Caasimadda ka soo jeeda  loo magcaabo wasiirka maaliyadda

Mar haddii willkaygu waayey wasiirka Maaliyadda waa in laga dhigaa nin ka soo jeeda beesha Ciise Ciise Maxamuud.

Dib u dhaca Magcaabista golaha wasiirada Puntland,  oo ay sabab u ahayd madaxweyniii hore ee Puntland Cabdiraxmaan  Faroole oo doonayey in wiilkiisa curad ee uu ku soo  koriyey xoolihii laga dhacay  Ba nagigii dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland in looga dhigo wasiirka cusub ee  maaliyadda Puntland.

laakiinse uu madaxweynaha Cusub ee Puntland  Siciid Deni uu ka cago jiidayey muddo bil ah,  ayaa hadda isaga oo Faroole kaashanaya Islaankiisa waxa laysku afgartay in wasiirka MAALIYADDA  laga dhigo nin “caasimadda ka soo jeeda”, oo ay macnaeedu tahay nin ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa, haddii uu culayskii Reer Faroole uu ka degay  in maalmaha  soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Beesha Majeeteen ayaa Puntland madaxweyne ka ah, Dhulbaantane waa ku xigeen, halka Warsangeli ay  iyaguna ka  hayaan gudoomiyaha Baarlamaanka. Beesha Dishiishe waxay horay u hayn jireen wasiirka Maaliyadda oo markii ugu horaysay uu ka inqilaabay Faroole oo isagu kursigaa ku fariistay.

Ugu danbayntii Deni ,Faroole iyo Ina Shiddo xishood la’aan ayeey golahooda ku soo dhiseen  waana ogyihiin in  nimankii iimaanka la’aa ee ka soo jeeday Sool iyo Sanaag ee fadhiyey baarlamaanka Puntland inay ansixin doonaan wasiiradda ay hor keenaana

https://allsanaag.com/wasiirka-maaliyadda-iiga-dhig/

https://allsanaag.com/yaa-loo-magcaabi-doonaa-wasiirka-maaliyadda/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*