28th March 2024  admin  Category :

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida meel kasta oo ay jooggaan Hargeeysa, Garoowe, Kismaayo, Muqdisho, Baydhabo iyo meelaha kallaba waa kuwo isaga mid ah wax isdaba marinta iyo iibinta hantida shacabka.

Haddeer, maamulka Hargeeysa waxa ay ka kireeyeen dekkedii iyo saldhigii ciidanka dawladda Imaaraadka. Wasiirka Maaliyadda ee maamulkaas waxa uu sheegay in maamulka Hargeeysa ay dekedooda ku kireeysteen 5 milyan oo doolar sanadkii, meesha saldhiga ciidankana ay ku bedesheen wado isku xireeysa Berbera iyo Wajaale iyo garoon diyaaradeed oo aan la garaneen meesha laga dhisayo.

Mareeykanka waxa uu siiyaa Jabuuti lacag kiro oo dhan 70 milyan oo doolar sanadkii, meesha Shiinaha uu bixiyo lacag dhan 20 milyan iyo welliba ballaayiin doolar oo ah maalgellin dhinaca wadooyinka iyo dekedda; sidoo kalle, Jabaan waxeey bixiyaan illaa iyo 40 milyan oo dooalar iyo Faransiiska oo isna aan meesha ka maqneen. Jabuuti waxaa intaa u dheer caanshuurta ay dekedda ka hesho.

Hadaba, maamulka Hargeeysa ayaa dhaafsaday dekedooda ineey ka qaataan 5 milyan oo kalliya sanadkii, meesha saldhiga militarina ay ku bixiyeen lacag la’aan.

Siyaasiyiinta beesha Isaaq maxeey ulla dagaalameen allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre? Ma in dhulka ay xaraashaan, iibsadaan dhulkii hantida qaran (iskuuladii, xafiisyadii dawladda, isbtaaladii) ee dawladdii Kacaanka ka tagtay?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*