23rd October 2024  admin  Category :

Mukhtaar Roobow & Xasan Daahir Aweys Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay

Illo ku dhow  Mukhaar Roobow ayaa inoo sheegay inuu isaga codsaday kulanka Xasan Daahir Aweys oo mar ay ka soo wada garab dagaalaameen kooxihii islaamiyiinta Hubeysnaa ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay guriga uu madaxtooyada ka degan yahay Xasan Daahir Aweys halkaasi oo ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamada Koofi Gaduud ee qaabilsan ammaanka xeydaabka madaxtooyada & Madaxda qaranka Soomaaliya.

Waxaana si dhab ah loo ogaan Karin waxyaabaha muhiimka ah ay ka wada hadleen Labada wadaad inkastoo kulankooda uusan ahayn mid siyaasadeed ayaa hadana xogo hoose oo aan heleyno waxay sheegayaan in Mukhtaar Roobow doonayay inuu Xasan Dahir Aweys ka dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo fikirkiisa xagjirnimada,islamarkaana uu cadeeyo mowqifkiisa Al-Shabaab,balse macadda waxyaabaha ka soo naasa cadaaday arrintaasi.

Mukhtaar Roobow oo ammaankiisa si weyn ay u ilaalinayeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda (Gaashaan),islamarkaan saaran gaariga aan xabadda Karin (Bullet Proof) ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaasi oo uu kula kulmayay Wadaadka Al-Shabaab ka soo baxsaday ee Xasan Daahir Aweys.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*