28th March 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada

Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa looga hadlay dar-dar gelinta halbeegyada iyo hawlaha tubta ee sannadka 2019.

 

Kulanka oo ay ka qayb galeen wasaaradaha, guddiyada iyo dhammaan hay’adaha halbeegyada ku leh tubta arrimaha bulshada, ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, oo sheegay in ay muhiim u tahay dawladda hagaajinta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah bulshada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ka ga’antahay tayanta qaab nololeedka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*