4th December 2024 admin Category :
Biyo 24 saac qulqulaya, Batrool dhulka hoostiisa jiifa , noocyada kala duwan ee xoolaha nool iyo kaluunka badda Cas, dhul ku haboon dalxiiska intaas oo dhan ayaa laga helaa gobolka Sanaag.
Daawo Ceelka Buraan sida ay Qarniyada xoolahu uga cabbayeen, Biyahaas oo lacag la’aan ah, oo 24 saac soconaya ciddii u baahana ay heli karaan meel kasta oo ay ka yimaadaan . Ceelkan biyuhu durdurayaan abaar iyo Barwaaqoba, waxaan ka fogayn meesha uu ku yaalo ceelka Shidaalka ee # 34 ee ku yaal degaanka Dal Xamur ama Xamudh.