26th November 2024 admin Category :
Waa dhamaatay labaatankii sano ee uu Kursiga Maxamuud Ugaadhyahan ku fadhiyey
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo kamid ah isimadda dhaqanka Beesha Dhulbahante ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Xildhibaanka Beesha Maxamuud Ugaadh yahan loogu magacaabay Xildhibaan Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse.
Kursigaan ayaa labaatankii sano ee ugu dambeeyey ku fadhiyey Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad Maxamed oo isagu haatan lagu badalay xildhibaankan cusub sida ku cad nuqulkan hoose oo uu ku saxiixan yahay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
https://allsanaag.com/66kii-xildhibaan-oo-soo-shaqo-tegay/