28th November 2024 admin Category :
Roobab ka curtay xeebaha gobolka Sanaag iyo Hayland
Roobabkan ayaa xogoodu ka bilaabmeen Xeebaha Dur-duri, Cadcado iyo Buuralayda Calmadow Ee Degmooyinka Laasqoray iyo Celaayo oo u badan badda iyo Buuraha intaba Xili ay aad u yarayeen roobabka Dayrtu ‘kulayl iyo dhaxana ay jirtey Meelaha roobsaday.
Degaanka Cowsane iyo Af-Urur ayaa waxaa laga dareemayey neecowda iyo saxansaxada roob ka oo markii dame u sii biya shubtay degaanada Durdur iyo Jiifis.
Sidoo kale Roobabkan ayaa galabta biyo dhigay Deganada karkaarka Bari Ee Degmada Buraan Ee Qadqatiin, Gerigey , Dhagxanyo Cad , Jiifis iyo Meelo kale oo ka mida dhul-daaqsimeedka ay deganyihiin Reer Guraaga ku xeeran Magaalada Buraan Ee G/Haylnd.