5th December 2024 admin Category :
Boos celintu, waa caado ay Soomaalidu dhaqan u leedahay. Marka guri ay dhisanayaan haddayna awoodin maalintaa inay dhamaystiraan deyr ayeey ku wareejiyaan, marka ay safaf ku jiraan oo damcaan inay yara kacaan, waxay meesha sii dhigtaan shey lagu aqoonsado inay halkaas qof ka kacay oo ku soo laabanayo.
Dhaqankii noocaas ahaa maanta wuxuu ka dhex jiraa siyaasdda Soomaaliya sida wax loo doorto ama haddaad xil hayso oo ka baqayso in lagaa qaado inaad sii samaysato boos celin
Jen. C/llaahi Gaafow wuxuu ahaa Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, maalintii la qaybsanayey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si uu Boos celis u samaysto haddii xilka laga qaado wuxuu dalka Canada uga yeertay walaakii ka yar C/qaadir Gaafow Maxamuud, si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Jeneraal Gaafoow, xilkii waa laga qaaday, walaalkiis ka yaraama maanta ayuu iska casilay xubinnimaddii Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalmo ka dib Gaafoow wuxuu noqonay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, walaalkiisna Canada ayuu ku soo laabanayaa.
Golaha lagu dhaarinayo Xildhibaanka cusub Generaal Gaafoow waxa laga qaadi doonaa heesta “Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada
Allsanaag.COM