26th November 2024 admin Category :
Guri Barwaaqo, Dumar Soomaaliyeed ayuu caayey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayuu si xun u aflagaadeeyey, Agaasimihiisii oo ku yidhi Cayda iska yaree qof Muslim ah ayaa tahaye ,Hablihii iyo Culumiddii aad aflagaadaysana raali gelin ka bixi ayaa isaga shaqaddii u hayey maamulka Somaliland looga eryey . Sababtoo ah Wasiirka ayaa ahaa Habar Awal ah . Halka wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ( Guri Barwaaqo), uu isagu weli shaqadiisii sii haysto , sidii dumarka uga caayayo mafrishyada Hargaysa
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ( Guri Barwaaqo), oo ku caan baxay dhaqan xumo, kana soo jeeda beesha Habar Awal ee Muuse Biixi ayaa shaqadii waxay ka eryeen agaasimihiisii wasaaradaas Cali Maxamed Cali oo ku yidhi ” raali gelin ka bixi cayda Habalaha Ciidagale oo uu wasiirku ku caayey buug uu horay u qoray.
Nasiib xumo Xilkii agaasimaha Islaamnimada iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed looga qaday laga waxa lagu bedelay Agoon ay aabihiis dileen Jabahaddii SNM ee Muuse Biixi madaxda ka ahaa
Mustafe Godane Cali Bile ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee maamulkaas oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, Bahogayslabe
Wiilkan agoonka ah ayaa waxa dhalay Allah ha u naxariiste gudoomiyihii hore ee degmada Laasqoaray, taliyihii hore ee qaybta booliiska gobolka Jubadda hoose, gudoomiyihii hore ee gobolada Nugaal iyo Sanaag gaashaanle sare Godane Cali Bali oo jabhadda SNM isir nacayb ay ugu dileen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Agaasimaha xilka laga qaaday isaguna wuxuu ka soo jeeday warsangeli, Bahogayslabe
https://youtu.be/Q-hzv-GT7dg
https://youtu.be/P5vS56l0nO4
http://www.qoryaalenews.net/2018/07/31/wasiir-guri-barwaaqo-oo-shaqadii-ka-joojiyay-agaasimihii-guud-ee-wasaarada-warfaafinta-somaliland-iyo-cali-guray-oo-ka-hadley/