5th January 2025  admin  Category :

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray degmada Rako Raaxo.

Waftigaan oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse qaybna ay ka yihiin maamulka Gobolka karkaar , Isimada dhaqanka gobolka Karkaar iyo madax kale ayaa saaka  gaaray degmada Rako Raaxo, Waftiga boqorka oo saaka ka ambabaxay degmada Qardho ayaa markii ay halkaas gareen waxay soo dhawayn balaaran kala kulmeen Dadka deegaanka, maamulka degmada rako raaxo iyo odayaasha dhaqanka.

Boqorka ayaa markii uu rako raaxo waxa uu kulan la qaatay madaxda deegaanka, ujeedada safarkiisa ayaana salka ku haysa sidii xal waara loogu heli lahaa colaad muda dheer jiitamaysay oo u dhaxaysa beelo walaalo ah oo wada dega gobolada Bari iyo Karkaar, Boqor Burhaan ayaana shirkii degmada Carmo  lagu caleema saarayey Beeldaaje Maxamed Ismaaciil kaga dhawaaqay in uu gogol nabadeed u fidin dooono labadaas beelood ee walaalaha ah, waxaana lagu wadaa in 17 bishaan uu shirkaas nabadeed ka furmo degmada Qardho.

Daawo Sawirada:

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*