26th April 2024  admin  Category :

Jidkii iyo Ceelkii uu madaxweyne Gaas uu  sameeyey gobolka Sanaag oo dhiiri geliyey wax soo saarka beraha  iyo in Bulshadu ay isku tashadaan.

Degaanka Cawsane iyo Ceel la helay ee uu maro jidka Ceel Daahir ilaa Cerigaabo, oo uu dhowaan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gasa uu ka hirgeliyey Ceel biyood ayaa Bulshadaa halkaa ku noolayd waxay u dhaqaaqeen wax soo saarka beeraha si ay dalagyada ay beertaan ugu iib geeyaan magaalooyinka kale ee Puntland

Tuulada Ceel la helay oo qiyaastii 10Km u jirta Magaalada Cowsane Ee Gobolka Sanaag,  ayaa Waxay leedahay beero kala duwan oo ay ka baxaan dalagyada kala duwan Ee khudaarta cagaadhan sida Yaanyada, Basbaaska, Dabacasaha , Qaraha, Batiiqa iyo lwm.

Maxamed Ciise warsame (Cadhle),  ayaa kawarbiyey Rìiga biyaha iyo tulada Ceel la helay.

Ma’suulkan oo kamida Odayaasha iyo Masuuliyiinta gacanta kuhaya talada degaanada Cowsane iyo Ceel la helay ayaa sheegay in Ceelka riigu uu sifiican u shaqeeyo biyihiisuna ay Aad u wanaagsanyihiin wax soo saarkooda xiligan . Wuxuu yidhi Maxamed Ciise warsame (Cadhle) “Aad iyo Aad Baad ugu mahadsantahay booqashaddaada Xog wareysi ‘Waxaanu hada gacanta ku haynaa riiga Cowsane Ee kuyaal tuulada Ceel la helay’runtiina biyaha iyo wax soo saarka Ceelku Aad buu u wanaagsanyahay’Waxaana uU u shaqayna dadka jidka Ceeldaahir Ceerigaabo iyo bulshada kala duwan Ee tulooyinka iyo miyiga nagu xeeran wayna nugu filanyihiin biyaha Ceelku Allxamdulilah” Gadhle ayaa intaas ku daray inay biyaha Ceelku Qaraadhyihiin oo Ceelkuna qodanyahay 250km loona baahanyahay in la horumariyo.

Maxamed Axmed Ciise/Allsanaag

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*