28th November 2024 admin Category :
1da Julay oo noqtay maalintii reer Muqdisho ay Xalaalaysteen Basaskii lagu helay magaca Soomaalida oo dhan. Calan la ruxo iyo xaflad laga heeso Soomaali kuma midoobayso ee waa in deeqaha magaca Soomaali lagu helay si caddalad ah Soomaali oo dhan loogu wada qaybiyaa. Afhayeenkii hore Maxaakiimta Daahir Geele, oo markii ay dilayeen sanadkii 2006 wiilashii reer Puntland ee la socday Madaxweynihii hore ee Cabdulaahi Yuusuf xillligii ay Muqdisho u tegeen soo celinta Qarankii iyo midnimada Soomaaliya iyo in uu albabada u furaan Villa Soomaaliya lahaa ” Xabshi ayaanu maanta ku dilnay Muqdisho. Maanta inay Calan ruxaan midnimo Sooomaaliyeed kuma imanayso. Mana jirto midnimo Soomaaliyeed ee maanta ka dhaxaysa umadda Soomaaliyeed. Waxa qura oo jiraa waa reer Muqdisho oo magacii Soomaaliyeed ku qaraabanaya iyo Soomaalida inteeda kale oo yaaban oo sugaysa hanbada Muqdisho
Ma ku aragtaa astaan Midnimo Sawirkan
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay Basas waaweyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin wadooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, horayna u ahaa ahaa afhayeenkii Mxaakiimta Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in shacabka Muqdisho loogu daneeyo.