30th November 2024 admin Category :
Ciise Xawar sharaftaadu waxay ku jirtaa inaad iska casisho xilka aad u hayso SNM .
Dhowr sano ka hor ayaan xiriir waxaan la sameeyey Allah ha u naxariistee Cawad Casharo, aniga oo doonayey inuu fariin iga gaarsiiyo ma’suul xil ka hayey Puntland, oo aan rumaysnaa inuu adeer Casharo taladiisa dhegaysanayo ama qaadnayo
Fariinta aan doonayey inaan wasiirka gaarsiiyo ayaa waxay ahayd ” adeer Wasiir Hebel Xilka ha iska casilo?” . Adeer maxaa dhacay oo uu xilka isaga casilayaa . Waxaan ugu jawaabay “adeer wasaaraddiisii, wasiir ku xigeeno, Afar agaasime ayaa laga hoos magcaabay, sidoo kale waxa wasaaradaas loo magcaabay Wasiirul dowle. Wasaaradiisii maanta agaasime ayaa awoodii ugu badanyd gacanta ugu jirtaa. Aniga oo intaa u sii raaciyey waxa fiicnaan lahayd intaan xilka laga qaadin inuu Badhan ama Dhahar tago oo uu halkaa kaga dhawaaqo inuu iska casilay xilkii uu maalmulkaas u hayey. Bulshadana u sheego in wasaaraddii ay ku lahaayeen maamulka lagu soo wada qamaamay. Fariintii Wasiirkii way gaartay, waana ka dhego adaygay. Maalmo ka dibna shaqadii wasiirnimada ayaa laga eryey.
Maanta Ciise Hawar, Waa aqoonyahan dhalinyaro ah, wuxuu ka soo jeeda qoys magac leh, waa nin af gaaban oo intuu xilka hayey aan hadal ka dhicin, waa nin leh mustaqbal siyaasdaeed, sidaas awgeed waxaan maanta kula talin lahayn in xilka uu u hayo SNM iska casilo.
Sababta uu isu casilayo Ciise Xawar, isaguna xogteeda hayaa hadaan laga qarsan ayaa waxay tahay bilaha soo socda waxa dhici doona dagaal u dhaxayn doona Harti iyo Isaaq. Haddii dagaalkasi dhacana beesha Isaaq uu xilka u hayaa kuguma sii aamni doonaan wasiirkooda dagaalka , waxayna u raadin doonaan marmarsiiyo ay xilka kaaga qaadaan iyaga oo cay ugu sii dari doona, Waa haddii uu nasiib leeyhay oo ayna ku sumayn cunto quraac ah oo ay siiyeen
Ugu danbayntii sababta kale oo uu Ciise Xawar xilka aad u hayso beesha Isaaq isaga casilayso ayaa waxay tahay, Haddii dagaalkaa daan daansiga ah ee beesha Isaaq duulaanka ku tahay gobolada Sanaag iyo Sool uu dhaco, sida dhaqanka u ahayd maleeshiyaadka SNM waxay ku xadgudbi doonaan xaquul insaanka oo waxay bilaabi doonaan inaay kufsadaan gabdhaha yar yar ee ariga la jooga ama qof safar ah o ay dilaan oo ay maydkiisana soo bandhigaan, iyagoo ku faanaya.
Taasina mustqbalkaagii wanaagsanaa iyo sharaftadii ayeey wax u dhimi doontaa haddii aad ugu sii magcaaban tahay wasiirkooda dagaalka ee beelaha Isaaq
Allsanaag.com