30th April 2024  admin  Category :

Ganacsade Maxamuud Khaliif oo jidka Ceeldaahir-CeerOgaabo ugu deeqay $50,000 –

Ganacsade Eng. Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) ayaa maanta oo Taalo ah booqday magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari halkaas oo uu ka socdo dhismaha jid isku xiri doonta Ceeldaahir ilamaa iyo Ceergaabo taas oo dhererkeedu gaarayo qiyaastii 250km. Dhismaha wadadan ayaa ahaa waxaa hormuud ka ah maamulka Puntland waana mashruuc bulshadu isku tashatey.

Ganacsadey Eng. maxamuud Khaliif Xasan oo si weyn uga qaybqaata mashariicda bulshada waxtarka u leh sida waxbarashada, daryeelka agoomaha iyo xoojinta dhalinyarada ayaa maanta ku wareejiyey guddiga dhismaha mashruuca lacag uu isagu ku deeqay oo gaareysa $50,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Maxamuud Khaliif oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabadii wareejinta taakulada ayaa ugu horeyn tacsi ka direy geeridii Eng. Abshir Muuse oo 31.03.2018 ku geeriyooday magaalada London, kadib waxa uu baaq u direy labada beelo oo wada dhashey ee colaadu ku dhexmartey gobolka Bari/karkaar, waxaana uu ka dalbadey ilaah dartiis in ay isu cafiyaanoo iska daayaan dhiiga ay kala gelayaan.

Image may contain: one or more people, sky, cloud, outdoor and nature

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*