29th March 2024  admin  Category :

Hey’addaha Amniga ayaa baaq soo saaray  ka dib markii la ogaaday in qaswadayaasha iyo Kaabo laadarkoodu ay damacsan yihin  in dalka ay fawdo geliyaan

 

Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ayaa war saxaafadeed caawa ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli maalinta berri lagu wado inuu dhaco kulanka Baarlamaanka.

War saxaafadeedka ayaa huwanaa calaamadaha Talisyada ciidamada Booliska, Xoogga dalka, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa waxaa loogu baaqay Xildhibaanada inay gacan ku siiyaan sugida amniga iyo sarreynta Sharciga.

Baaqan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ciidamo fara badan u yimaadeen, isla markaana qaar ka mid ah xildhibaanada la arkay, iyagoo ay ilaalinayaan Ciidamo fara badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*