22nd November 2024 admin Category :
Aqoon yahan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa lagu dilay Muqdisho
Waxa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu dilay Marxuum C/xaafid Yusuf Ibraahim Oo ka Mid Ahaa Hawlwadeenada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa u geeriyooday Qarax Banbaano oo Baabuurkiisa lagu xiray,kaas oo uu caawa u Geeriyooday.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada ahaa ee dalka Suudaan Cilmiga Shareecada kusoo bartay,wuxuna deegaan ahaan kasoo jeeday Magaalada Tisjiic Ee Gobolka Bari.
Marxuumka la dilay ayaa ka soo jeeday Beesha Dishiishe, Reer Xaaji
Bahda Allsanaag wuxu tacsi udirayaa Dhamaan Qoyskii,Qaraabadii iyo Asxaabtii uu marxuumku ka geeriyooday,waxana Allah uga baryeynaa in uu janadii Fardowsa geeyo.